Midowga Europe ayaa Kaalmo Dhaqaale ku taageeray Barnaamijka Cuntadda Adduunka (WFP) si gargaar Aadminimo loo gaarsiiyo ilaa 10-kun oo qof oo ka kala yimid Maamulka Somaliland ee W/Galbeed ee Somalia iyo Is-maamulka Soomaalida ku nool dalka Ethiopia.
Dadkaasi oo abaar daran darteed ugu hayaamay dalka Jabuuti.
Dadkaasi oo u badan Xoolo-dhaqato ayaa waxaa ku jira Haween Xaamilo ah iyo carruur ay da’doodu ka yar tahay jir oo ay ka muuqato nafaqo-darro iyo dhiig la’aan.
Kala bar ragga iyo haweenka auaa la sheegay inuu miisaankoodu aad u yar yahay, isla markaana badankooda la il daran yihiin Qufuc, Cuddurka Qaaxadda iyo Fuuq-bax.
Madaxa Hay’adda WFP u jooga dalk Jabuuti, Jacques Higgis waxa uu EUda uga mahad celiyey Taageeradda ay ka geysteen sidii loo quudin lahaa Dadkaasi iyo Kumanaan kale oo Barakacayaasha dadka Reer Jabuuti ah.
Waaxda Gargaarka Aadminimo iyo Badbaadinta Dadka Rayidka ee EU-da ee The European Commission’s Humanitarian Aid and Civil Protection (ECHO) ayaa ku yaboohday lacag dhan 00 oo Kun oo EURO oo ay Hay’adda WFP wax ugu qabanayso dadka Soomaalida ee ku dhibaataysan gudaha dalka Jabuuti.