• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO):- Madaxda  Madasha Wada-tashiga Qaranka ma ku guuleysan doonaan inay asaas fiican u dhigaan qabsoomidda  Doorashooyinka soo socda ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 10, 2016
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda waxaa  maanta Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Muqdisho uga furmay Wareeg ka mid ah Kulamadda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo looga arrinnsanayo Aayaha Qaranka.

Madaxda ka qeyb galayso Kulankaasi waxay  sheedda sare uga muuqdaan kuwo u hamuun qaba in uu Kulankooda ka soo baxo Natiijooyin u wanaagsan Dadka iyo Dalka Hooyo, balse, waxa uu Hoggaamiye kasta doonayaa inuu ka hadlo Aragtidiisa Siyaasadda iyo Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Maamulka Qaranka.

Waa hubaal inuu Hoggaamiye kasta qalbadda ku hayo Qoddobo u qarsoon, oo ku aadan Aragtidiisa, Hankiisa Siyaasadda iyo Kaalintiisa ku aadan Doorashadda Qaranka ee dhici doonto bisha September ee sannadkan.

Madaxda Qaranka waxay hanka ku hayaan ugu yaraan in mar kale Xilalka ay haatan hayaan loo soo dooran doono, si aysan uga hoobanin Masraxa Siyaasadda iyo Loolanka Doorashadda Madaxtinimadda.

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda waxa dhamaantooda ka siman yihiin Hamiga Siyaasadeed ee gaarsiisan Heerka Qaran, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda ee horey Xilal Qaran uga soo qabtay Dowladihii KMG iyo Dowladda Federalka.

Waxaa la tilmaamaa inay Hamigaasi si gaar ah ugu jiro Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo Xilka Ra’isul-wasaare Qaran ka soo qabtay Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo isagana Wasiirkii Amniga Qaranka ka soo noqday Dowladda Federalka ee haatan talada hayso ee uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo Shirka Wada-tashiga  ee maanta looga hadli doono Ajendooyin Farsamo oo ku aadan Nidaamka Doorashadda, qaabka loo xulanayo Guddiyadda Khaaska ee loo xil-saarayo Tabaagelinta Doorashooyinka, Xulashadda Xildhibaanadda iyo Madasha lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka soo socda.

Hoggaamiye kasta waxa uu doonayaa inuu Shirka Wada-tashiga ku biiriyo Aragtidiisa uu u arko inay noqon karaan Buundo Siyaasadeed uu uga tallaabi karo Doorashooyinka Qaranka ee soo socota.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Calaw-siyaasadeed badan ka dhex jiro Qoddobadda ay Golaha Wada-tashiga Qaranka ka arrinsadaan, waayo weli lama qeexin inuu Madaxweyne Gobaleed isku soo taagi karo Doorashooyinka Qaranka iyo Inuu Labada Xi lee Qaranka iyo Gobalka isku sii hayn karo.

Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa la gudboon inay ka baaraan-degaan Qoddobadda Xasaasiga iyo in la sameeyo Marjac laga tixraaci karo ama lagu Lifaaqi karo Qoddob-doodeedka soo if baxa , si aan Isbaaro-siyaasadeed lagu hor gudbin marka la gaaro Xilliga Doorashooyinka.

Hoggaamiyayaasha ka qeyb galayo Shirka Wada-tashiga Qaranka waxaa la gudboon inay Danaha Khaaska ka horumariyaan Danaha Qaranka, la iskana ilaaliyo Isbaaro-siyaasadeedka, Sed-bursiga Kooxeedkaama Beeleedka iyo inay Shaqsiyaad kooban khatar geliyaan Masiirka Dowladnimo iyo Mustaqbalka Dadka iyo Dalka Somalia.

Sidoo kale, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Dowladda Federalka soo bandhigtay Nidaamka Doorashooyinka, waxaa majaraha lala galay Aamusnaan Siyaasadeed, waxaana shiiqay Xusul-duubkii Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ee carcarka u qabay Wada-tashigii ku aadanaa Nidaamka Doorashadda, Dhismaha Dowladda soo socota iyo Ajendaha Siyaasadeed ee sannadaha 2016-ka ilaa 2020-ka.

Waa hubaal in Go’aanka Dowladda Federalka ku saxsanayd inay ku dhawaaqdo Go’aanka Nidaamka Doorashadda, kadib, markii lagu wada guul-daraystay Wada-xaajoodkii Dowladda iyo Maamul-gobaleedyadda, isla markaana quus laga istaagay in Talo mideysan laga gaaro Nidaamka Doorashadda.

Shaxda ay Dowladda Federalka soo agaasintay oo ay Beesha Caalamka ayideen waxa uu meesha ka tuuray Aragti Kala-duwanaanshihii Madaxda Qaranka iyo kuwa Goballadda, waxaana iminka la shaaciyey Tubta Hiigsiga Nidaamka Doorashadda iyo Dhismaha Labada Aqal ee Barlamaanka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inkastoo ay Dowladda Federalka dejisay Jadwalka Shaqo ee Nidaamka Doorashadda, haddana waxa dib-u-eegis u baahan Nidaamka Tirooyinka Kuraasta Barlamaanka loo qoondeeyey, waxaana jirta inaan Saami-qeybsiga lagu soo darin Gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedka Khaatumo oo sedkooda ay kala jiiteen Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale, Dowladda Federalka ayaa u baahan inay dhamaystirto dhamaan Arrimaha Lafdhabarka u ah Qabsoomidda Doorashooyinka ee bisha September ee soo socota.

Dowladda Federalka waxaa kaloo laga filayaa in la dardar geliyo Dhamaystirka Axdi-qarameedka, Dhismaha Maxkamadda Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, taasi oo haddii aan iminka loo gogol-xaarin keeni karta in lagu soo baraarugo Xilli ay Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen.

Madasha1 madasha2

Waxaa Qoray: Hassan Ali Osman “Hassan Istiila”

©Radio Dalsan

Previous Post

Alshabaab oo gaari iyo Hoobiye ka soo dhacay Saldhig Bolis oo ku yaalla Wajeer.

Next Post

Dhageyso: Warka duhurnimo ee radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka duhurnimo ee radio Dalsan

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – Somalia’s Minister of Internal Security, H.E. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), today received the Ambassador of the People’s Republic of...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00