Hadalka sidiisaba wuxuu micno iyo nuxurba yeshaa marka u jeedkiisa uu marin sax ah heysto qofkastaana uu fahmi karo sababta keentay hadalkaa iyo ujeedka laga leeyahay.
Hadiisa hadalku mid owdan uu yahay micno lagu ogaadana aanu laheyn inta wadata mid ku kooban oo lala ogaan Karin weeye waasa la mala maleyn karaa.
Waxaan taa kawadaa hadal heynta dadkeena iyo fahamka ay ka heystaan doorashada loo gol leeyahay iyo inta wada doorashada oo badankooda masrax yadii siyaasada KMG ilaa iyo Federaal ka muuqanayoo marna aan ka maqneyn in la badalaana ka dagaalama dal iyo dadna waxay tareen aanu jirin culeys iyi dhib mahee waa hadal heynta dadkeena.
Tusaaleynta diid mada dadku ay muujinayaan badii la iibsaday koow iyo dhibatooyinka kale ee xasuuqa duqowdu u dambeysay iyadoo la dabiibinna halkeedi lagu dhaafay micnuhu sow noqon mayo nimaad taqaan yaad tahay lama yiraa inta badan dadkeenu suaasha manta hortaala ee qalbigood gocanaayo maxaa xiga weeye tii horee lasoo arkay kuwii falana ay rabaan xilka inaan laga qaadin wax badalana soo bixin micnaheedu miyaanu aheyn ugaar dhaga la’ dabin loo aas.
Sabab dheer uma baahna waaxa maanta muuqdiyo waxa xiga in la fillo ee tuhunka kenoo oo hareeray kalsoonidii shacabka hadaba iyadoo la daweynin tuhunkaa shacabkana aan si cad wax loogu sheegin saasna lagu galo doorashadii waxa xigee la filaayo dacar ama Malab waxay noqon cidii og aan u deyno jawaabta.
Ujeedka qormadeydu micnaheedu maahan dulmi iyo mala awaal ee waa in la helo dawo iyo is faham dadku raali ka wada yahay somalidu waxay tiraa cuduraan la ogaan dawadiisa lama hello haday taasi sax aheyn mida xigtaa iska qaado ee fahamkaagu kusiiyo.
In la gaaro horumar waxaa furo u ah caqli iyo aqoon,run sheegid iyo go’aan qaadasho fulaynimo ka dheer tahay dadka iyo dalkana waxaa deeqo cadaalad mugdigana ka saari karta.
Waxa heysta dalkeena beri iyo badiisaba miyaanu aheyn wax laga damqo yaasa masuul ka ahoo manta la weydiinayaa wixii dad baaba’ay iyo kuwa manta lagu heysto saxaraha carbeed iyo africada madoow dhex deeda oo sidii dibida oo kale lagu fasho beeraha masuul uu doodana uu jirin oo ka damqada dhiitada heysato dadkaas Somaliyeed.
Masuuliyada micnaheedu dhab hadaanan loo garan ee daneysi iyo ku takri falid ay noqoto mid wax dhistaa noqon meyso waxa laga dhaxlaana waxay noqon cuqubo baahda oon harin ee micnuhu wuxuu yahay karti iyo aqoon xilka aad qabaneyso mid u leh inaad tahay waxaad u heysana dhab aad u ogtahay in ay tahay dal iyo umadiis.
Geed land iyo Gaay land marna yaaneyn ku riyoon inuu dhintay dareenki shacabka daahna kama saarna masraxa aad isku kobteen xusuustana waxaad xil doona yashoow ku dartaan xilku in uusan aheyn mid la iibsan karaayo.
Baahida shacabka ee manta taagani waa xilka geesi u qaado daacad ahoo dadku ay u siman yihiin shilimaadna aan dhaaf sanoo hogaamiye dhab ahey rabaan soo dhiciya xaqooda runtana hortooda ka sheega ee uma baahna benaale qaain ah oo wuxuu dhahayo iyo ficilkiisuba aysan is waafaq saneen cadawgana u dabacsanoo ficiladooda foosha xun ee ay u geystaan dalka iyo dadkaba runta daaha ka saara.
Dhabta hadalka maanta wuxuu yahay yaa mudan xilkoo dalka iyo dadka wax tari kara magic iyo sharaftii Somali ay laheyd dib usoo celin kara oo kasban kara dadkoo idil.
Gunaanadka qormadeyda waa xaqa yaanan laga leexan oo xuquuqda dalka iyo dadkaba hala dhowro hadaaney taasi aheyn ugaar dhaga la’ dabin loo aas.
Waxaa diyaariyay Cumar sheikh Axmed ‘’Shaam’’