Duhurnimaddii maanta waxa uu gaari miineysan ku qarxay Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmadda Yaaqshiid ee magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Ciiddanka Ammaanka ku raad-joogeen gaarigaasi oo noociisu yahay SURV.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Ninkii watay Gaarigaas gacanta lagu dhigay, isla markaana lagu hayo Baaritaano dheeraad ah.
Sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray inuu gaarigaasi qarxay xilli ay Ciiddanka Miino-baarista ku hawlanaayeen Baaritaanka Gaarigaasi oo la dhigay agagaarka Masjidka Sheekh Cilmi ee Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmadda Yaaqshiid.
Dhinaca kale, 3 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, iyadoo Haweeney ka mid dadkaasi u geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray gaarigaas qarxay sida uu Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir
©Radio Dalsan