Xildhibaanadda Baralmaanka Maamulka HirShabelle ayaa waxay maanta Kulankoodii Koowaad ku yeesheen Hoolka Shirarka ee magaalladda Jowhar, kaasi oo ay qofka ugu da’da weyn ugu dooran lahaayeen Barlamaankaasi.
Cabdi Xuseen Geeddi oo 68 jir ayaa diiday inuu xilkaasi qabto, waxayna Xildhibaanadda markii dambe xilka Guddoomiyaha KMG u doorteen Maxamed Siyaad Barkhadle.
Guddoomiye Barkhadle oo 67 jir ah ayaa loo cimaamaday inuu xilkaasi sii hayo ilaa laga dooranayo Guddoonka cusub ee Barlamaankaasi bishan October 12-da.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka HirShabelle ayaa la shaaciyey in la dooran doono bishan October 15-da.
©Radio Dalsan