Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Busteejida kaaraan,isla markaana waxaa geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado,kuwasi oo Wiilka dhowr xabadood uga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa,xili uu ku sugnaa halkaasi.
Qof Goobooje ahaa xiligaas oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in marxuunka uu war yar kahor ay kala tegeen,kadiba uu maqlay rasaas xoogan,isagoona soo baxay oo tegay halka laga maqlay rasaasta,kadiba uu arkay Wiilkii dhalinyarada ahaa ee daqiiqado kahor isla joogeen oo Meyd ah.
Allaha u naxariistee Marxuunka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed oo ku magac dheeraa CJ,kaasi oo si weyn looga yaqaanay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,kana mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed kuwooda aad u firfircoonaa sida dad Ehel la ah ay xaqiijiyeen.
Kooxihii ka dambeeyay dilkiisa ayaa goobta si deg deg ah ugu baxsaday luuq yar oo xiligaas goobta ka agdhawaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,isla makaana waxaa halkaasi ay ka qaadeen Meydka Murxuumka,sidoo kalena sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano kala duwan,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan ragii fuliyay falkaas.
Tal iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ka dhacay dilal qorsheysan,kuwaasi oo geysteen kooxo hubeysnaa Bastoolado,iyadoona qaarkood ay Mus’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.