(Warbixin) Inta badan Hoggaamiyeyaasha Dowladaha Carabta iyo kuwa EU-da oo Shirweyne ku leh Sharma Sheekh

Madaxda 24-waddan oo ka mid ah 28-ka dal ee ku bahoobay Ururka Miwoga Europe (EU)-da ayaa ku sugan dalka Masar, si ay uga qeyb galaan Shirweynaha Koowaad ee ay abid madal isugu yimaadaan Madaxda Carabta iyo kuwa EU-da, kaasi oo ka furmay magaalladda loo dalxiis tago ee Sharma-sheekh ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Ururka EU-da, Fedrika Mogherini oo ku sugan Madasha Shirka Sharma Sheekh waxay tilmaamay inay guul tahay inay inta badan Madaxda Dowladaha Midowga Europe ka qeyb galayaan Shirkaasi.

Waxay kaloo sheegtay inay Madaxda dalalka Faransiiska, Spain iyo Lithweeniya ka maqan yihiin Shirka, kuwaasi oo Wakiil ahaan u soo dirsaday Wasiiradooda Arrimaha Dibedda oo haatan ku sugan Madasha Shirka.

Shirka Madaxda Carabta iyo kuwa EU-da waxa uu socon doonaa muddo 2 maalmood, waxayna Madaxdu yeelan doonaan Kulan Labo Wareeg ah iyo Qado ay si wadajir ah ugu kulmaan.

Kulanka Taariikhiga ee ka furmay Sharma-sheekh waxaa ka qeyb galay  Madax ka kala socota ilaa 50-dal, kuwaasi oo ka wada xaajoon doonaan Xoojinta Iskaashiga labada dhinac, Horumarinta Dhaqaalaha, Ammaanka, Tahriibka iyo Xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Yemen, Libya iyo Falastiin.

Hoggaamiyayaasha Carabta iyo kuwa EU-da ayaa Aragti ahaan ku kala duwan qeybo badan oo ka mid ah Siyaasadda, balse wey wada hadli karaan, si ay u samaystaan Xiriir Wanaagsan.

Madax waxaa jirta sababo siyaasadeed aan uga qeyb geli doonin Shirkaasi, waxaana ka mid ah Madaxweynaha dalka Sudan, Omar Hassan Albashiir oo ay dibadbaxyo siyaasadeed ku furan yihiin.

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaan lagu casuumin Shirka, sababo la xiriira Walaaca Caalamiga ee kaalinta lagu tuhunsan yahay inuu ku lahaa dilkii Saxafigii Sacuudiyaanka, Jamaal Khashoggi, kaasi oo bishii October 2-dii ee sannadkii hore lagu dilay Qunsulliyadda Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxda ka qeyb galaysa Shirka Sharma-sheekh ayaa la sheegay inuu ka dhex jiro khilaf dhexdooda ah, miisaal ahaan Dowladaha EU-da kuma mideysnaa Siyaasadda EU-da ee dhinaca Muhaajiriinta, waxaana jira Dowlado soo dhaweeya Qaxootiga iyo Muhaajiriinta iyo kuwo ka soo horjeeda.

Marka aynu eegno, Madaxda 21-ka Waddan ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta waxaa iyagana ka dhex jira Khilaafyo hoose iyo  iyagoo aan heshiis ku ahayn arrimo badan.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta iyo kuwa EU-da waxay yeesheen Shir Gogol-xaar ah, kaasi oo ay kaga hadleen Ajendayaasha Madaxda loo gudbinayo.

Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Ururka EU-da, Fedrika Mogherini waxay sheegtay inay Wasiiradda ku heshiiyeen 90% ilaa 95% qoddobadii ay isla eegeen, inkastoo ay xustay in Aragti ahaan lagu kala duwanaa Colaadda u dhexeysa Falastiin iyo Israel.

Wxaay tilmaamtay in xalka la isku raacay yahay in la dhiso Dowlad Falastiin oo barbar taalla Dowladda Israel iyo in labada Dowladood caasimado ka dhigtaan magaalladda Quddus-ta La-haysto.

Dowladaha Carabta iyo kuwa Midowga Europe waxay ka fogaanayaan halka ay Dowladda Maraykanka ka taagan tahay Qaddiyadda Quddus.

Madaxweyne Donald Trump waxa uu diray Farriin Cad, kadib, markii uu sheegay in Safaaradda Maraykanka ay ku leeyihiin Israel loo soo wareejiyo magaalladda Quddus-ta La-haysto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media