Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rag hubeysan oo xalay Wiil Dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Dad ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxa ay sheegeen in Rag ku labisan dareeska Ciidamada ay dileen wiilkaas oo la sheegay in uu ahaa Arday dhiganayay mid ka mid ah Jaamacadaha Magalada Garoowe.
Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Yaxye Cabdirisaaq ,waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay ka qaateen Mobile uu watay.
Howlgal la sameeyay ayaa waxaa lagu soo qabtay laba ka mid ah dadkii la sheegay inay ka dambeeyeen dilkaas oo ka tirsan Ciidamada booliska dowlad Goboleedka Puntland.
Mamulka Gobolka Nugaal iyo taliska Booliska ayaa dhawaan waxa ay sheegeen inay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geysanaya dadka Shacbaka ah,iyaga oo dhalinyaro farabadan Xabsiga dhigay.