Habeen kahor waxa Magalada muqdisho shir jaraa’id ku qbatay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya faragelin toos ah ku heyso doorasahda Koonfur Galbeed,isla markaana lacag iyo Gawaari aan xabada Karin geysay Magalada Baydhabo.
Xildhibaano uu ka mid yahay Idiris Dhaqtar oo Baydhabo shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xildhibaano dano gaar ah leh ay sheegeen in dowladda faragelin toos ah ku hayaan doorashada Koonfur Galbeed.
Waxa ay sheegeen in xildhibaanada inay faragelin dowlada ku heyn doorashada,isla markaana shaqsiyaad ay ka dhawaajiyeen hadalka ku aadan in dowlada dhexe ay faragelin ku heyso Doorashada ka dhaceysa koonfur galbeed.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ay haatan u baahan yihiin is bedel dhinaca hogaanka ah.
Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Musharixiin badan,kuwaasi oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha koonfur Galbeed,waxaana jiro qaar kamid ah musharixiin ay dowlada Soomaaliya taageereyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah Xildhibaanada.