Duqayntaas Xalay Fiidkii ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne,waxaana lala eegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.
Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in duqayntaasi ka dib ay Al-Shabaab Shacabka u diideen inay halkaasi ka baxaan ama ay soo galaan si ay u qariyaan qasaaraha soo gaaray Al-Shabaab,isla markaana lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Degaanka Ceel-dheer ayaa waxaa Maalmahan kulamo ku lahaa qaar ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab, iyadoo shirarkoodana sidaasina lagu beegsaday sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Deegaanka Ceel-Dheer ayaa waxa uu ka mid yahay deegaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya,waxana weli sirasmia ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.