Wararka aan ka heleyno Saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaas lagu qaaday weerar loo adeegsaday Madaafiic.
Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarkaas oo Madaafiicda ah ku qaaday Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan ee Hiiraan, waxaana weerarka kasoo baxaya faaf faahino.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in xalay ay maqlayeen juga xoogan oo Madaafiic iyo rasaas ah, isla markaana Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen gudaha Saldhiga, halka kuwo kalena ay ku dhaceen dhul-howd ah oo socodka dadka uu ku yar yahay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka Madaafiicda, kadib uu dagaal toos ah dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugnaa Saldhiga iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa dagaalka iyo Madaafiicda la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan, In kastoo aan tirada la cadeyn.
Al-shaabab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhiyo ay deegaano ka tirsan Gobolada dalka ku leeyihiin Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, waxaana weeraradaas qaarkood ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.