Wararka aan ka helayno Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa sheegaya in caawa dabley hubeysan ay dilka fuliyeen Magaladaas.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka loo gaystay Mas’uul ka tirsan Maamulka Hirshabeellen kaas oo lagu magaacabi jiray Xildhibaan Cabdulqaadir Abuukar Maxamuud, waxaana sidoo kale uu ahaa Wasiirka beeraha iyo waraabka Hirshabeelle.
Dilka kadib ciidamo ka tirsan maamulka Hir-shabeelle ayaa howla gallo waxaa ay ka sameyeen aagga dilku ka dhacay ilaa iyo haddana lama sheegin cid loo soo qabtay dilka caawa ka dhacay Jowhar.
Degaanada maamulka Hir-shabeelle ayaa waxaa ka dhaca inta badan falalka dilka ah ee loo gaysto mas’uuliyiinta ka tirsan maamulkaas iyo Ciidanka, waxaa sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab wallow aysan hadda sheegan dilka caawa loo gaystay Wasiirka beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Cabdulqaadir Abuukar Maxamuud.