Guddiga kasoo talabixinta doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacan ayaa waxaa ay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa ay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay guddiga.
Waxaa guddigu ay sheegeen in ay kulamo la qaateen dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka, waxaana ay xog uruurin ay kasameeyeen suurta galnimada ah in doorasho qof iyo cod dalka ay ka dhacdo, sidoo kale waxaa ay sheegeen in wy wali socdaa kulamadoodii ay la lahaayeen dhinacyada isku haaya doorashooyinka soo aaddan,
Waxaa guddigu ay sheegeen in Bulshada Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaad Madaxdooda, ayna jiraan wada haddallo u socda madaxda dowladda , kuwa maamul Goboleedyada iyo qaybaha kale ee siyaaasadda Soomaaliya ee la xariirta doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadda 2020/2021.
Waxaa guddigu intaas ay ku dareen in dhawaan ay soo saari doonaan warbixin dhammaystiran, balse warbixinta ay hadda soo gudbiyeen ay tahay mid horudhac ah, waxaa sidoo kale guddigaan ay sheegeen wali ay u dhiman yihiin la tashiyo iyo tala soo uruurin ay la yeelanayaan dhinacyada kala duwan ee doorashooyinka ku lugta leh.
Guddigaan ayaa horay waxaa loogu magacaabay in ay kasoo tala bixiyaan kasoo talabixinta sida ugu macquulsan ee dalka ay kaga dhici karto doorasho qof iyo cod, walina sooma aysan saarin warbixin rasmi ah.