Faah faahin:-Qarax lagu dilay Saraakiil ka tirsan Alpha Group oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Barqanimadii Maanta duleedka Magaalada Muqdisho lagula eegtay Saraakiil la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Alpha Group ee dowladda Soomaaliya.

Qaraxaasi oo ahaa miino la geliyay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Alpha Group ee dowlada xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu burburay gaarigii ay la socdeen Ciidamada,kuwaasi oo ka yimid deegaanka Lambar50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyagoona kusoo jeeday dhanka Magaalada Muqdisho,hayeeshee uu qarax ku qabsaday Jaziira.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxas,iyagoona sheegay inay ku dileen Saraakiil lagu magacaabo Faarax Caato, Daahir Cabdulle iyo Sharmaarke.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay hadlayaan wararka sheegaya in qaraxa ka dhacay deegaanka Jaziira lagu dilay Sarakiil ka tirsan Ciidanka Ciidanka Alpha Group.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media