Akhriso:-Ahlusunna oo ka hortimid Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa looga horyimid Guddiga Farsamada maamul dhisida dowlad Goboloeedka Galmudug oo dhawaan ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Caddeeyay in Guddiggas uusan aheyn mid  waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurka Galmudug.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Madaxda Xukuumadda Galmuduga ayaa lagu sheegay in Magacaabista Guddiga uu baalmarsan yahay Heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Galmudug .

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Magacaawday Farsamada maamul dhisida Galmudug,kuwaasi oo ka kooban 13-Xubnood.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka..

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media