TOOS:-Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo socota

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda maamulka Jubbaland ayaa waxaa haatan si rasmi  ah uga bilbaabatay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Munaasabadda Caleemo-saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya,Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka,Guddoomiyaha Xisbiga Wadaji iyo Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa lagu Casuumaray Wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hogaaminayo Aadan Barre Ducaale Hogaamiyaha Aqalabiyada Baarlamaanka Kenya oo Maanta gaaray Kismaayo iyo Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Marti Sharaf kale,kuwaasi oo ku sugan Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media