Faah faahiino kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax goordhaweyd ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir, iyadoo warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxa ay sheegayaan in lala beegsaday Gaari Surf ah oo Marayay Isgoyska Taleex ee Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga Maqlay Qaar ka mid ah Degmooyinka Caasimadda iyo Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Hodan ayaa waxaa la sheegay in uu jiro Khasaaro ka dhashay Qaraxa.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayay waxyeello kasoo gaartay, kuwaasi oo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka sida wararku sheegayaan, waxaana la sheegay in dhaawacyadu ay yihiin kuwo culus, inkastoo wali xog rasmi ah aan la helin oo qaraxa ku aaddan.
Waxaana waxyeello ay soo gaartay Mooto Bajaaj taallay meel aan ka fogayn halka qaraxu ka dhacay, iyadoo goobta ay xireen Ciidanka ammaanka, kuwaasi la sheegay in ay bilaabeen baaritaanno.
Sidoo kale warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxu uu ahaa Miino lagu xiray Gaariga, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray Qofkii watay gaariga sida wararka qaar ay sheegayaan.
Laamaha ammaanka Gobolkani Banaadir wax war ah kama soo saarin Qaraxa, sidoo kale ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyaddiisa.
Wixii kusoo kordha halkaann kala soco.