Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo geystay Khasaaro.
Qaraxaasi ayaa waxaa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xasilinta Gobalka Mudug, waxaana uu qarxay xili uu marayay Xaafad ka tirsan Gaalkacyo.
Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo ahaa Sarkaalka gaariga loogu xiray qaraxa, waxaana xiligaas loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla halkaas.
Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug ayaa tegay goob uu qaraxu ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano ku aadan sida uu qaraxa u dhacay, waxaana intaas hakad ku jiray isku socodka dadka iyo gaadiidka, wallow markii dambe uu dib u soo laabtay.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, hayeeshee inta badan qaraxyada noocaan oo kale waxaa sheegta Al-shabaab.