Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.
Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin Ciidamada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashan dhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii shalay.
”Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday” sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: ” Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ee shalay.”
Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii Saldhiga Lamu ay ku dileen 17 askari oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka iyo 9 katirsan melleteriga Kenya, tirada diyaaradaha lagu burburiyay weerarka ayay shabaabka ku sheegtay 7 diyaaradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa melleteriga ah.