Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Caawa gudaha xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, waxaana falka dhacay kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolado ay Nabadoonka ku toogteen xaafadda Raadeelka ee Deyniile, xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday salaadii Cisho ee Caawa.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Guure, isaga oo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay, waxaana goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday kooxihii fuliyay dilkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa goobta dilka ka dhacay ka qaaday Meydka Cabdi Cali, mana jirto cid lasoo qabtay falkaasi ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalka iyo weerarada ka dhaca Magaalada sheegta mas’uuliyadooda Al-shabaab.