Faah faahin kasoo baxeysa Wiil Soomaali ah oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Muwaadin Soomaali ah waxaa ay ku dileen deegaanka Tempisa ee Gobolka Limpopo ee dalkaas, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Burcada ayaa Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Shaafici Cabdulle Saneey ku toogtay degaanka Tempisa ee Gobolka Limpopo, wuxuuna u geeriyooday rasaas lagu weeraray oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Muwaadiniin kale oo Soomaali ah oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta falka uu ka dhacay ayaa halkaas ka qaaday Meydka Marxuum Shaafici Cabdulle  oo kamid ahaa Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii dambe sii kordhaya, waxaana toddobaadyo kahor gudaha degaano ka tirsan dalkaas lagu dilay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor