Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu dilay Haweeney kamid aheyd Ganacsatada qaadka ku iibisa Balcad.
Dad ku sugan degmada Balcad ayaa waxaa ay ku warrameen in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka uu dilay Haweeneyda, kadib muran kooban oo soo kala dhex galay Askariga iyo Haweeneyda.
Haweeneyda la toogtay ee ka Ganacsan jirtay qaadka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Sahro Dhagey, waxaana dilay Askari magaciisa lagu soo koobay Bajaqeey, kana tirsan Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Askariga falka geystay uu si deg deg ah uga baxsaday goobta, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Meydka Haweeneyda la dilay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa horey uga dhacay dilal Askar ka tirsan Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan ay u geysteen dad shacab ah, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada oo ku aadan dilkii Maanta dhacay.