Sawirro:-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo ka socda deegano.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana shacabka halkaaasi kunool ay u tegi doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media