Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu dib ugu laabto Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Madaxweyne Gaas ayaa dalka dibaddiisa ku maqan muddo 13-bilood ah, isagoo 2-dii Bishii February ee sanadkii tegay ee 2019 ka dhoofay Magaalada Garoowe, kadib looga adkaaday doorashadii ka dhacday Puntland ee uu kusoo baxay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ku sheegay inuu Maanta dib ugu laaban doono Magaalada garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, isagoo wax faafin ah ka bixin Safarkiisa.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Cabdiweli Gaas uu marti qaad ka helay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isla markaana lagu Casuumay Shirka Wada-tashiga Puntland, kaasi oo dhacaya 15-ka bishaan 2020.