Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Isgoyska Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku toogteen laba ruux oo la sheegay inay ahaayeen Shacab.
Falkan ayaa waxaa la sheegay uu yimid,kadib markii labada ruux ay isku dayeen inay xooga ku maraan bar koontorool oo Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Sey Biyaano,hayeeshee markii dambe la toogtay.
War qoraal oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen rag ka tirsan Al-shabaab,isla markaana ay toogteen Ciidamada amniga dowladda.
Dilkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo saakay uu Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhiamsho iyo dhaawac.