Weli waxa rasaas ka dhex dhaceysaa Gudaha Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ee gobolkaan Banaadir kaas oo la sheegayo in rag hubeysan ay Gudaha u galeen.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa markii hore lagu dhuftay Albaabka hore ee Hotelka,waxaana intaasi kadib sida la sheegay Gudaha u galay rag hubeysan.
Ilaa iyo hadda rasaas ayaa laga maqlayaa Hotelka dhexdiisa,waxana weli la ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.
Albaabka hore ee Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa lagu arkayay Meydka qof aad u Go’go’ay oo aan la fahmi Karin.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan,waxaana adag in la galo maadaama ay dadka soo celinayaan.
La soco Wararkii u dambeeyay ee qaraxyada ka dhacay Muqdisho.