Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow hal saac ku daray waqtiga uu furmaayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka
Sababta hal saac uu Guddoomiye Mursal ugu daray waqtiga uu furmi lahaa Kulanka ayaa waxaa ay tahay in weli uusan soo buuxsamin kooramkii uu ku furmi lahaa kulankaas.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ayaa ah, Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in maanta uu jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.
Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka kulankiisa koowaad iyo midka labaad ayaa waxaa uu u baaqday Kooran la’aan,kadib markii kulamadaas ay soo xaadi waayeen Xildhibaanada.