Warar ka soo baxaya qarixii hore ee ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku geeriyooday mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Xogta ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in qaraxaas uu ku geeriyooday talihii Saldhiga Booliiska degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Nuur oo lagu naaneysi jiray )Fanax Xagaleey)
Taliyaha ayaa horay u soo nqoday taliyaha Saldhiga Booliiska degmada Yaaqshiid,waxana la sheegay xiliga uu qaraxa dhacayay uu marayay afaafka hore ee Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.
Â