Faah faahin:-Hoobiyeyaal kusoo dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

Faah faahino dheeraad ah ayaa la helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay dhismayaa ku yaalla agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Xaafado ku dhow.

Jugta Madaaficda oo laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku dhacay halka magacaabo Kaambada oo ku dhow Xarunta Taliska Booliska Kumaanda Polisio sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale Hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa saddex ayaa waxaa mid kamid ah uu ku dhacay dhismaha safaaradda Itoobiya oo ku dhegan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Waxaa kale uu Madfac uu ku dhacay Xaafad lagu magacaabo Cago-dhiig oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya,waxaana Madaafiicda la xaiijiyay in hal ruux oo shacab ah uu dhaawac ka soo gaaray.

Ilaa iyo hada lama oga halka ka soo tuuray Hoobiyeyaasha kusoo dhacay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya,mana jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan falkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media