Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyadda maamulkaas xalay lagu dhex dilay Gabar Askari aheyd.
Dilkaan loo geystay gabadha Askariyada aheyd ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, kaasi oo goobta ka baxsaday.
Marxuumada la dilay aaa waxaa lagu magacaabi jiray Layla Abuukar Axmed Duqow, sidoo kalena kamid aheyd Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaana dilkeeda kasoo baxaya warar kala duwan.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in dilka Layla Abuukar uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Layla iyo Askariga falkaas u geystay, kaasi oo ka tirsanaa Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan toogashadii xalay ka dhacday Gudaha Madaxtooyada maamulkaas.