Madaxa Xukuumadda Galmudug oo fariin u diray laamaha Amniga Gaalkacyo

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday hotel ay ku sugnaayeen Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Gen. Cabdixamiin Maxamed Dirir iyo Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka dowladda Gen. C/casiis Cabdullaai Qooje, kaasi oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Sheekh Shaakir ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, isagoona kuwa dhaawacmay Alle uga baryay inuu Caafimaad deg-deg ah siiyo.

Sidoo kale Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa waxaa uu faray hay’addaha amniga Magaalada Gaalkacyo Muujiyaan Feejignaan dheeraada si looga hortego weerara iyo falalka amniga darro ee xiliyada qaar ka dhaca gudaha Magaalada.

Sheekh Shaakir ayaa waxaa kaloo hay’addaha amniga Gaalkacyo uu ugu baaqay inay baaritaan Deg-deg ah ah ku sameeyaan weerarkii xalay lagu qaaday hotelka ay ku sugnaayeen Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka dowladda, kuwaasi oo ka badbaaday weerarka.

Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray dad shacab ah iyo Askar ayaa ku geeriyooday weerarkii xalay e Gaalkacyo, halka 20 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media