Faah faahin:-Dil ka dhacay duleedka Magaalada Boorama

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Maamulka Somaliland.

Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Askariga ay ku toogteen duleedka Magaalada Boorama xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona u geeriyooday raasas lagu dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa goobta kasoo qaadeen Meydka Askariga, iyagoona geeyay Xarunta Booliska Gobolka Awdal.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxihii hubeysnaa ee falkaas ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen, waxaana intaas kadib halkaas laga sameeyay baaritaano kooban.

Ilaa iyo hada ma jir wax war ah  oo kasoo baxay Saraakiisha Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada Boorama oo ay uga hadlayaan dilka ka dhacay duleedka Magaaladaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media