Akhri: Maxaa looga hadlay kulankii Maanta ee Golaha Shacabka?

Kulanka Maanta oo uu shir-gudoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye Kugigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Ajandahiisu ahaa

Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Daawad & Aasaaska Hay’ad Daawada iyo Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Naqshadeynta Magaalooyinka.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Xildhibaan Maxamed Saciid ayaa Golaha Ka hor-Akhriyay Hindise Sharciyeedka Daawad & Aasaaska Hay’adda Daawada.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Ayaa ka hadlay Muhiimada uu leeyahay Sharciga Daawad & Aasaaska Hay’adda Daawada.

Ugu Danbayntii Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Mudeey ayaa kulanka soo xiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media