Faah faahin dagaal Maanta ka dhacay Gobalka Baay

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya kuwa maamulka Konfu-galbeed oo dhinac ah iyo Alshabaab ayaa manta ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalada Baydhabo ee gobalka Baay waxaana dagaalka xooggiisu uu ka dhacay fariisin ciidamadu ay ku lahaayeen halkaas.

Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Koontorool ciidamada xoogga dalka ay ku lahaayeen deegaanka Makuuto oo duleedka ka ah xarunta gobalka bay ee Baydhabo,Saraakiil milatari ayaa dalsan u sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadma ahaa oo ay debley hubaysani ku soo qaadeen.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Konfurgalbeed waxaana degan xaaladda deegaanka Makuuto ee gobalka Baay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media