Madaxweyne C/Fataax El-Sisi waxa uu Maanta booqasho ku tegay Jabuuti, oo uu kula kulmi doono dhigiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa sheegay inay booqahashadaasi tahay noocii u horreeyey ee Qabsoomida Shirka Iskaashiga ee Labada dal.
Kulankaasi oo ay Labada Madaxweyne shir-guddoomin doonaan waxaa looga xaajoon doonaa hanaanka lagu xoojinayso Xiriirada labada dal, Amniga, Milliteriga, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Wadajirka ee Danaha Labada Waddan.
Madaxweyne Geelle iyo El-Sisi waxay kaloo ka arrinsan doonaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xaalladda Mandiqada, Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD iyo Arrimaha cakiran ee Somalia iyo Falastiin iyo Muranka Xuduudka ee Sudan iyo Ethiopia.