Akhriso:-Khasaaro ka dhashay qarax Gaari Sarkaal Boolis ah watay lala eegtay

Waxaa faah faahino dheerad ah ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geystay oo saakey lala eegtay gaari uu watey Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya,.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa Sarkaalka gaarigiisa lala eegtay xilli  uu ku sugnaa xaafada Foorilow ee duleedka Magaalada Muqdisho,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyey qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday qof Shacab ah oo wadada dhinaceda marayey halka ay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid ka mid uu yahay askari ka tirsanaa ciidamadii la socday Sarkaalka Booliska, halka ruuxa kalena uu yahay qof shacab ah.

Sarkaalka Booliska ah ee qaraxa lala eegtay Gaarigiisa ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdi Shooshow,waxana la sheegay in qaraxaasi aan wax khasaaro ah kasoo gaarin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaas,waxa ayna sheegeen in ay sarkaalka booliska ah dileyn wallow weli laamaha ammaanka Soomaaliya aysan weli xaqiijin dhimashada sarkaalkaas.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli saakay waaberigii qarax nooca Gawaarida lagu dhejiyo ah uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka daahsoon  degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor