Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Dagaal culus oo gabaldhicii Maanta Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug.
Dagaalkan ayaa ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Shabeelow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacad socday.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay ku warrameen in inta uu socday dagaalka ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac isku adeegsanayeen, wallow wax yar salaadii maqrib ee Caawa uu dagaalka istaagay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka Galmudug oo uu ku jiray Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa Saraakiisha daraawiishta Galmudug.
Sidoo kale waxaa dhaawacyo soo gaareen 10 Askari oo loo qaaday Xarun Caafimaad oo leeyihiin Ciidanka Maamulka, wararka ayaa intaas kusii waxaa ay kusii darayaan in hub culus uu qabsaday gaari Tikniko ah, kadibna uu gubtay.
Muddooyinkii dambe Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab ayaa waxaa ay dagaalo culus ku dhexmarayeen deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana shabaabka lagala wareegay degaano dhowr ah oo joogeen.