Diyaarad nooca xamuulka oo Hawada ku burburtay

Diyaarad Xamuul oo ay lahaayeen Ciiddanka Raashiya ayaa maanta burburtay, xilli ay ku jirtay Duullimaad Tijaabo ah.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Ilyushin Il-112V military transport plane waxay ku burburtay meel ku dhow Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Kubinka oo 63 KM dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.

Saldhigaasi ayaa lagu wadaa in dhamaadka isbuucan lagu qabto Bandhiga Diyaaradaha iyo Qalabka Milliteriga.

Muuqaalo laga baahiyey Telefishinka Dowladda Raashiya iyo Baraha Bulshada ayaa waxa ka muuqday Diyaaradda oo uu Olol qabsaday, ka hor intaysan dhulka ku qarxin.

Waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Duuliye oo la socday Diyaaradaasi oo mgacyadooda lagu kala sheegay: Nikolai Kuimov, Dimitry Komarov iyo Enjineer Nikolai Khuldeyev.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegayo inuu Shilkaasi dhacay, kadib, markii uu dab ka kacay mid ka mid ah Labada Matoor ee Diyaradda.

Kooxaha Gurmadka ayaa gaaray goobta ay kuburburtay Diyaaradaasi oo ahayd noocii ugu dambeeyey ee Ilyushin 112V.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor