Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Xoogan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tisan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,waxaana lagu soo waramayaa inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsadeen rasaas socotay muddo ku dhow hal saac.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkan uu yimid kadib markii rag hubeysan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Halgan,iyadoona sidaas uu dagaalka ku bilowday.
Khasaaro kala duwan ayaa lagu waramayaa inuu lka dhashay dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, in kastoo aan si dhab loo Cadeyn inta uu la egyahay.
Inta badan Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka,waxaana ka dhasha Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.