Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo arrimo kale.
Daahir Geelle ayaa siweyn u dhaliilay qaabka ay wax u wado dowladda Federaalka,isagoo ku dheeraaday ka hadlay qalalaadkii ay galeen Madaxda haatan jirta.
Sidoo kale Daahir Geelle ayaa waxaa uu sheegay in qalalaadkii ugu weynaa ay gashay dowladda intii uu ka tirnaa ay aheyd weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/Shakuur iyo tallaabadii diyaaradda looga xayiray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.
Waxaa uu tilmaamay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya in weerarkii C/raxmaan C/Shakuur uu abuuri karo Marxad Cusub iyo xurmo daro ku timaado siyaasiga Soomaaliga.
Ugu dambeyntii Daahir Geelle ayaa xusay in la joogo xilligii uu dhaxalka reebi lahaa Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu ugu baaqay Madaxweyanaha inuu isku keeno dadka Soomaaliyeed si uu taariikhda u galo