Ilaa 6-xildhibaan oo Asal ahaan Soomaali ah oo uu kamid yahay Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya ayaa waxaa ku socoto baaritaano la xiriira inay heystaan dhalashooyin dalal kale.
Aadan Barre Ducaale ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay ee ah inuu heysto dhalasho Muwaadinnimo oo aan aheyn Somalia iyo Kenya,isagoo ku dooday inuu weligiis qaadan dhalashada dal kale.
Hadalkaas Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa uu yimid kadib markii Guddiga la-dagaalanka Musuqa dalka Kenya ay bilaabeen baaritaano la xiriira eedeymo loo heysto dhowr Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin dowladeed oo dalkaas ka tirsan oo la sheegay inay heystaan laba dhasho.
Madaxda Guddigaas ayaa waxaa uu tilmaamay in Guddiga la-dagaalanka Musuqa Kenya uu qaadi doono tallaabooyin,isla markaana ay suurta gal tahay in Saraakiisha iyo Xildhibaanada lagu helo eedeeymahaas laga xayuubin doono xilalka ay hayaan.
Hogaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya lagana soo doortay deegaalkiii hore ee INFD ee Waqooyi Bare dalkaas ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay Muwaadin Kenyan ah oo daacad ah,isla markaana uusan heysan dhalasho dal kale