Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay aroorti waxa uu Oday Da’ah ku dilay meel an ka fogeyn Xarunta degmada Kaaran ee gobolkaan Banaadir.
Odayga la dilay oo ka mid ahaa dadka ku nool Xaafadaha ku teedsan Xarunta degmada Kaaran, ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in xiliga la dilayay uu ku sii jeeday Masaajid uu doonayay in uu Salaadii Subax ku dukado.
Dilka kadib ayaa dadka ku nool Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay dhigeen dibadbax kooban oo ay uga soo horjeedeen dilka Odaygaas Da’da ah.
Meydka Odayga oo Da’diisa lagu shegay ilaa 70 jir, ayaa mudo saacado ah halkaasi yaallay balse ugu dambeyn ay qaateen Eheladiisa.
Xiriir ayaan la sameynay Maamulka degmada Kaaran si aan wax uga weeydiino dilka saakay ka dhacay degmada Kaaraan balse kama jawaabin taleefoonadeena.