Madaxweynaha K/Galbeed oo si Deg-deg ah ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay safar qaatay maalmo ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala ee duwan ee Bulshada

Intii uu sugnaa Turkiga, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kulamo la soo qaatay Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah dowladda Turkiga, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ku sugan dalkaas.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa marar badan safaro ugu ambabaxay dalka Turkiga, wuxuuna yahay Madaxweynaha kaliya ee maamul Goboleed oo bilo guhadood dhowr mar ku laab-laabtay dalkaas.

Soo laabashadiisa ayaa kusoo aaday, iyada uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday Madaxda maamul Goboleedyada sida Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle inay 24 saac guhadood uga dhawaaqaan kuraasta ugu horreysa  ee doorashada Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor