Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu gabar yar ku dilay.
Dilkan loo geystay gabadha yar oo da’ ahaan jirtay 9-sanno ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq ku yaalla Jowhar,kaasi oo lagu iibiyo Qaadka.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in gabadha yar ee la dilay ka timid Magaalada Muqdisho,isla markaana Jowhar u tegtay dabaaldaga Munaasabadda Ciidul fitriga awgeed,
Allaha u naxariistee Meydka Gabadha ayaa goobta uu falka ka dhacay waxaa ka qaaday dad shacab ah oo xiligaas halkaasi ka Agdhawaa.
Sidoo kale askarigii ka dambeeyay falkaas naxdinta leh ee ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray Saldhiga Booliska Jowhar,waxaana gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska Hirshabeelle.