Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay inuu dhigiisa Maraykanka awood Maamul u leeyahay inuusan ku dhawaaqin cunaqabataynta Turkiga, kadib, Qandaraaskii ay Raashiya kaga iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400.
Erdogan oo Suxufiyiinta la hadlay waxa uu ku baaqay in la helo xal-dhexe oo looga gudbo Khilaafkaasi, isagoo xusay inay Turkiga diyaar u tahay inay iibsadaan Gantaalladda Patriotic ee lagu farsameeyo Maraykanka.
Warbaahinta Turkiga ee Haberturk waxay ka soo xigatay Madaxweyne Erdogan inay iibsashadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ahayn inay u diyaar garoobayaan dagaal, balse, ay ku xaqiijinayaan Nabadda iyo Ammaanka Qaranka.
Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ayaa sababay inay Saraakiisha Maraykanka sheegaan inay qorsheynayaan cunaqabatayn ay isbuuca soo socoda ku soo rogaan dalka Turkiga.