21-Bishaan ayaa Dowladda Kenya waxa ay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi ka soo celisay 17 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo ku sii jeeday Magalada Kampala ee dalka Uganda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dadkaasi Soomalida ah ee Garoonka Jomo Kenyatta laga soo celiyay iyo dhibaatooyin kale oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan dalka Kenya.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in arrintaasi dowladda Kenya ay dhawaan kala hadli doonto Xukuumadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in 1-da Bisha soo socota ee November ay Kenya aadi doonaan wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya,si uu mas’uuliyiinta dalkaas kala hadlo dhibaatooyinka dhinaca Socdaalka ah ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan  dalkaas.
Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayuu sheegay in dhowr mar ay kala hadleen dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya.
Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.