Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta ka hadlay baxsashada Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan, kaasi oo shalay ka baxsaday gacanta dowladda Federaalka.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Cabdiqani Khalaf oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xabsiga dhexe uusan ka baxsan Wasiir Cabdirashiid Janan, waxaana been abuur uu ku tilmaamay warar sheegayay in Wasiir Janan uu ka baxsaday Xabsiga Dhexe.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu xusay in marnaba aan Janan la keenin xabsiga dhexe, isla markaana xitaa aysan aqoon ayna dadka kala mid yihiin maqalka ah in Janan uu xabsiga ka baxsaday.
Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Cabdiqani Khalaf ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka xabsiga dhexe ku xiran la oga yahay sababta loo soo xiray, isla markaana tirakood rasmi ah dadkaas laga haayo.
Si kastaba Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shalay xabsiga uu ka baxsaday Wasiirkii amniga Jubbaland oo dowladda 31 Bishii Agoosto ee 2019 ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona ku eedeeysay inuu dembiyo kala duwan ka galay shacabka Gobolka Gedo.
Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ciidanka Asluubta.