Saynis-yahan Turkish haysta dhlaashadda Maraykanka ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Turkiga oo uu ku xirnaa ku-dhawaad 3 sanno.
Serkan Golge oo ahaa Cilmi-baare ka tirsanaa Hay’adda Cirbixiyeenadda iyo Hawada Sare ee dalka Maraykaanka ee NASA waxaa uu ka mid ahaa Kumanaan qof oo ay Dowladda Turkiga u xirtay inay ka tirsan yihiin Kooxda uu hoggaamiyo Fatxullahi Guleeen.
Saynis-yahankaasi waxaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo bar.
Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay xaqiijisay in la sii daayey Saynis-yahanka Serken Golge oo ay Dacwad-oogayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Koox Argagixiso.