Taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Gen: Sakiya oo shir jiraa’iid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay howlgalada ka socda magaalada waxaana ay tilmaantay in sidii loogu talagalay ay u socdaay har iyo habeena ciidamadu ay u diyaarsanyihiin sugidda amniga.
Waxa ay soo hadal qaaday dilal ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan,iyada oo sheegtay in dad badan loo soo qabtay dilal ka dhacay xaafado ka tirsan gobolka Banaadir iyo kuwa kale oo u burcad ah xiliyada habeenkiina dhac ka geysan jirtay magaalada.
Inta lagu gudajiray bisha barakaysan ee ramadaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorshaysan oo loo geystay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo qaraxyo ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah.