Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi, Anjelino Alfaano ayaa sheegay inuu u gudbiyey Hay’adda Adeegga Iskaashiga Talyaaniga ee Gurmadka Degdegga  lacag dhan 300,000 oo Euro oo loogu talagalay in loo adeegsado Hawlaha loogu gargaarayo dadka ku dhaawacmay Qarixii bishan October 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.
Waxa uu intaasi ku daray in Kharajkaasi lagu wareejin doonoXiriirka  Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Caalamiga (FICRC), si wax loogu qabto dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi, Anjelino Alfaano waxa uu tilmaamay in Kharajkaasi loogu talagalay inay Hay’adda Bisha Cas ee Somalia u adeegsadaan Lacagtaasi ka timid Talyaaniga sidii Daryeel Caafimaad loogu qaban lahaa dadkii ku dhaawacmay Qarixii Zoope.
Waxa kale oo uu sheegay inay Dowladda Talyaaniga doonayso inay Taageero u muujiyaan Qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxasi.h